Dheehan mayso ishu dhugan mayso
Dheegan mayso dhagtu maqlimayso
Dhalan mayso dhigeed iman mayso

Dheeliye mayso ilwaad dhici mayso
Dhumin mayso sharafta dhigi mayso
Dhaafi mayso dhaqanka xoori mayso

Hahha inantu dheeman weeyi /
Dhabeel weeyi kaafisa dheeman weeyi
Dhamays weeyi filkeed ka dhex sheegan
Dhiiran weeyoo kartida lagu dhalay
Qofaan u dhigaa ma joogo dhulkaba
Ka dheeree ALLOW dhamaan hadimada

Dhoohan maahoo aqli dhiman maaha
Dhoore maahoo sirta dhiiba maaha
Dhafra maahoo habeen dhaxa maaha

Dhangad maahoo warkeedu dhibsi maaha
Dhakra maahoo quluubtu dhagax maaha
Dhiba maahoo jacayl dhaawac maaha

Exit mobile version