roob soo hilaaciyo
xareedoo dhex jiiftaa
dhiiga xididka qaadiyo
dhaqdhaqaaqa wadnaha
tii laygu dheehaay
dhulku igu fogaayoo
muuqaagu dheeraa
jacaylkuna dhib badanaa
hadaan dhaayuhu ku qabanyn
dhaawaaqaaga macaan
nafta aan ku dheefshee
teleefoon soo dhiciyo
dhambaalada hayga jarin

markaad dhoof u duushaa
ana kala dhantaalmoo
la,aantaa dab iyo dhamac
uga dhigan dhankaygee
dhamaysaye hanaankiyo
xubnahaagan kala dhigan
dhab markaan xasuustaa
hurdo kala dhaqaaqnaa
hadaan dhaayuhu ku qabanyn
dhaawaaqaaga macaan
nafta aan ku dheefshee
teleefoon soo dhiciyo
dhambaalada hayga jarin

Exit mobile version