Oheey oheey hadaladaydii
Oheey oheey hadaladaydii

Hamigaan la toosaa
Naftu way hiiqsanaysiyo
Hilaacii ma beenbaa
Hilaacii ma beenbaa

Ma hungooday sheekadii
Aan hooyo gacaliyo
Ehelkay u hiiqoo
Dhibtaan iilka bidayaa
Hawaartii lumiyoon
Hog dawaco ugu dhacay

Himiladaydii lumisee
Isu kay hagoogtee
Nafsi kugu haboonaa
Hadmuu hoyga kuu gali
Ana libinta helayaa

Oheey oheey u heelanaayaa
Oheey oheey u heelanaayaa

Haasaawe uguboo
Hiigaygu rabay iyo
Humaagii ma beenbaa
Humaagii ma beenbaa

Hawa beena weeyo
Hali iyo macaaneey
Aan booska jirnbaa
Hubaal halis ahaato
Iska hubi anoon odhan
Hadal uu ugu dhacay

Himiladaydii lumisee
Isu kay hagoogtee
Nafsi kugu haboonaa
Hadmuu hoyga kuu gali
Ana libinta helayaa

Exit mobile version