Cid u daa somaliland
Kuwii soo curiyayee
Naftooda ciida u huriyo
Calankan hadhsan iyo
Xornimo xornimo nagu caawiyoo

Cadaalad ha isku maamuleen
Codkooda mid qudha ka yeel
Cadaalad ha isku maamuleen
Codkooda mid qudha ka yeel
Cadaan iyo madawguba
Ku caleemo saaree

Dunida caanbaad ka tahay
Raboow cududoodood adkee
Cawiyo iyo cisigooda dhawr
Aduunka caanbaad ka tahay
Raboow cududoodood adkee
Cawiyo iyo cisigooda dhawr

Cariga soomaaliland
Rabow cudurada fidiyo
Abaaraha cirka gala
Ka dhawr ka dhawr
Caadil baa atahee

Cadaalad ha isku maamuleen
Codkooda mid qudha ka yeel
Cadaalad ha isku maamuleen
Codkooda mid qudha ka yeel
Cadaan iyo madawguba
Ku caleemo saaree

Dunida caanbaad ka tahay
Raboow cududoodood adkee
Cawiyo iyo cisigooda dhawr
Dunida caanbaad ka tahay
Raboow cududoodood adkee
Cawiyo iyo cisigooda dhawr

Exit mobile version