jacayl runaba ii helay
naftana raranbuu ku shiday
intuu sida rabdin i dagay
ayuu laabtana rogrogay

dadkana labadii is raba
waayaha midba meel ka rida
ragana inanban calmaday
rafiiquna waa isaga

ma riiqmin mana rawaxin
walow aan maray rafaad
hilaada ma raagsanoo
rajaan ka qabaa waqtiga

cishqi raxmadlaa i helay
rooxaanbuu igu dul faray
intuu rubada isku maray
ayuu rabaasay bogayga nugul

heeryadda samirkaan huwaday
ruuxaan sugaaya igu
qofbaan u riyaaqsanahay
dookhaygu ka raali yahay

Exit mobile version