dhalintaydii madhatoo dhibaatiyo rafaad iyo tahriib baa dhamaysoo
inta dhaawac iyo halis ama dhaygag iyo yaab uu ku dhaafay waayuhu
hadii aan u dhaba galo tiro kuma dhamayn karo

qofkii dhiidhiyaayee dhakafaar daraadii shanta dhabanka saaroow
waxa taana ii dheer dhaqankiyo hidaha lumay

inta dhimatay waa hore inta dhacantee kale inta sii dhurmaysee
saxaruhu dhabaan dhabay inta dhooli lagu guray dhakhtarada
ku daadshen dhacdiidka u jiifana dhaygagbaad u go aysaa

waa su aal dhib way waynoo jawaab dhaba u baahane madaxyahay
dhugoo maqal sida dhidar xabaal helay magafaan ka dhigane
dhalinteenii heensaday dhawaaq lagu bad baadiyo dhamaan
miyaad u wayden

Exit mobile version