Lurka caashaqaagiyo
Awgaa ladaabyada
Hurdo kama ladaayoo
X2

Naftu way oontoo had
Ba laba lagdomaa liqi
Waayey oontoo hadba
Laba lagdoomaa x2

Sida laamo roob helay
Oo laydhi haysuu iilul–
Aa kalgacalkuye x2

Inaan laaco meelkale
Laabtaydu diiday igu
Labo ahow igu labo
Ahow x2

Markan yara ladnadaba
Ladh baa igu kacaayoo
Laqan yada jacaylkaa
Aniga ilumiyoo awgaa
La liitaa x2

Sida leedh cad ceedeed
Quruxdaadu ladanoow
Igu beertay lahashee
X2

Inaan laaco meelkale
Laabtaydu diiday igu
Labo ahow igu labo
Ahow x2

Exit mobile version