jamaalkiyo jaahaaga guud joogaagiyo jalaqsanaanta
jaleecada dhaayahaygu aday kuu jeelan yihiine
jihee jamashada kalgacalka
siday naftu kuula jaartahay dareenkuna kuugu
jeedo ogow caashaqan i jiitay
jalbeebta wadoo ha joojin ha jabin wacadkoo ha jiidhin
qalbiga jeex aan ku siiyey adoon jirabayn u joogso
hirbaad tahay doogu jiifo dareenka adaa jilaabtay
kashaa kugu jeeni qaaran adaa jir jirada bogayga
ka jeexday wadiiqo caashaq
siduu ii yidhi ha jeedsan siduu jiro iigu beeray
u diid jaan rogan xagaaga

Exit mobile version