nafta lahashadeediyo
tahahye nasiibkay
ku nocowsatoo
naxariis qalbigu
aad ugu nastaa

noogtii indhahiyo
farxad iyo naruurooy
nugul caashaqoon gudhin
niyad kuu samaataa
nolol lala wadaagaa

noole kaan ka doortow
nuxurkii kalgacal
anuu igu nagaadee
adiguna nitaaqiyo
ka ilaali naxli abid

nasrigii kalgacalkiyo
tahayee naq ii da'ay
nimco aan gudhayniyo
naas ii irmaanoo
nabdigayga deeqow

nasteexii qalbigiyo
nal ii iftiimow
naruuro aan wadaagnee
sidaan kuugu nabanahay
ila naaxi caashaqa

Exit mobile version