qalbigaygaa sabatoo sahwi
aad ku beertoo sambabadiyo
oofaha saablayda oo idil
nuurka u siraadoo adigaa ku
seerane
wadnahaygaad sudhantoo
saldhig adig ku leedee subaxdii
timaadaba saatir waxaan ka tuuga
jacayl aan sal guurayn

sareediyo barwaaqiyo guri seela
oo wacan sifihii islaamkiyo
ku salaysan diintee

waadigan socdaale safar aaday
khadarow ana waan ku sugayaaye
sahal iigu soo noqo

waxan kugu sifeeyo kula simo
ragoo idil sabanadan ma ay dhalan
quruxdaad u sidataa
guulbaad u tahay sahan saldhigbad
u tahay nolol
ma sal guuro caashaqe sahal yaanu
kula noqon adaan kugu sahwiyaya
saqda dhexe habeenkii hurdadaan
ka salaala

inaan kuu siloonahay caad kaama
saarnee sadrigaaga galiyoo ha saluugin
waayaha

Exit mobile version