jacaylbaan xanbaaray xoog badanoo xaashee hurdadii
xamili waayoo xajiinta cishqigee jidhkayga xulaay
inaan xal u helo u xusul duubnahay
ragba kaan ka xusheen qalbiga ku xardhoow xafiday
cishkigii dhexdeenee xagaaga adkee xagaga ogow

xusuusta jacayl xanuun badanaa anoo xasilaa
xiisaha caashaqa xubnuhu gidigood xadreeyaano
wixii xiska tabay soo xaadirayaan
dumar taan ka xusheen qalbiga ku xardhaay xafiday
cishqigii dhexdeenee xabiibii gudoon xayaati gudon

jacayl xurmadii waxaa ku xamdiya xanaano kuwii
xilkooda gutoo xoreeyey naftoo intay xasilaan
xareed hirqadee

xarakaadka jacayl xamaasad badnaa xiskiyo maanku
ku xeeranyohoo naftaan xakamayn xiisaha qalbigoo
xidhiidhka dhexdeena xalbaan u arkaa

Exit mobile version