jacaylbaan xanbaaray xoog badanoo
xaashee hurdadii xamili waayoo
xajiinta cishqigee jidhkaygaa xulaa
inaan xal u helo u xusul duubnahay
xajiinta cishqigee jidhkaaga xulaaa
inaan xal u u helo u xusul duubahay

ragba kaan ka xusheen qalbiga ku xardhaw
xafiday cishqigii dhexdeenee xagaaga adkee
xagaaga ogow

xusuusta jacayl xunuun badanaa
anoo xaasilaa xiisaha caashaqa
xubnaha gidigood xadreeyaanoo
wixii xisku tabay soo xaadirayaan
xubnuhu gidigood xadreeyaanoo
wixii xisku tabay soo xaadirayaan

dumar taan ka xusheen qalbiga ku xardhaay
xafiday xubigii dhexdeenee xabiibtii gudoon
xayaati gudoon

jacayl xurmadii waxaan ku xamdiyaaa
xanaanada qoys xaqooda kuwii
xilkooda gutoo xoreeya naftoo
intay xasilaan xareed harqadee

ragba kaan ka xusheen qalbiga ku xardhaw
xafiday cishqigii dhexdeenee xagaaga adkee
xagaaga ogow

xarakaadka jacayl xamaasad badnaa
xiskiyo maankuu ku xeeranyahoo
naftaan xakamayn xiisaha qalbigoo
xidhiidhika dhexdeena xalbaan u arkaa

dumar taan ka xusheen qalbiga ku xardhaay
xafiday xubigii dhexdeenee xabiibtii gudoon
xayaati gudoon

Exit mobile version