Jamasho ruux kuu qaboo
jacayl dhaba kuu hayoo
naftiisana jeex tohoo
ku jantay waa aniga

naf aad ku jixaasantoo
jaleecada kugu farxoo
kuu jeelan waa aniga

jig jigoon ku noolahay
jirku heloo barwaaqee
adna ma ila joogta
macaan ma ila joogtaa

Jala lagami kugu qarwoo
fil iyo jiil kaa xushoo
jeexisana aad tohoo
ku jeedaalin waa aniga

naf aan kaa jeed sanoo
kuu jiidatay ishqigoo
kuu jeelan waa aniga

jig jigoon ku nooloo
jirku heloo barwaaqee
adna ma ila joogtaa
jigjiga ma ila joogtaa
by masuul.com

Exit mobile version