Barashadaa jacaylkiyoo
Baasahaa kalgacalkaba
Anigoo baryaha qaaar
Kaba baqa warkiiseee

Barqa hore dhawaaqii
Beerkayga kala jaray
Isha bilic kumaan siin
Horreysoo boggaygiyo
Wadnahayga lama bixin

Waxaan beeyr ka qaadoo
Baalla ka dhaafaba
Ogoow boogtii caashaqa
Weli kama bogsoonoo
Igu baday xanuunkee

Al baqriyoo watiiniyo
Bisinkiyo yaasiin
Barakada salaaddiyo
Burdahaa i badbaadin doonee

Wuxuu bixiso weeyee
Buurtiyo bannaankiyo
Baaxad soore iggeeyaba
Kolleey waan ka baxayaa

Waxaan beeyr ka qaadoo
Baalla ka dhaafaba
Ogoow boogtii caashaqa
Weli kama bogsoonoo
Igu baday xanuunkee…..

Exit mobile version