Geesi samirleh baa tahay
Gacantiisu furantahoo
Markastaba cibaadada
Garansiiyay weeynuhu

Gardaradana neceboo
Gafka qaadan karinoo
Godab aan lahayniyo
Gaban daacadaad tahay

Garyaqaan caddiyahoo
Geedka loogu tago oo
Go’aankiisu adagyahay
Xikmad guweeyn baa tahay

Kaama xiiso go ayoo
Goortii aan kuhalacsaday
Godlay caashaqeennuyee

Gaarii sharafleh baa tahay
Gacalooy edaabtiyo
Xishoodkeeda gaarkaa
Garbasaarta aan dhigin

Geyaankeed kawacanoo
Gabdha lala simi karin
Golajoogsi quruxliyo
Garashiyo aqoon badan

Duca waalid guratoo
Faralkiina gudatoo
Garanaysa dhaqankiyo
Waxaa tahay gob qaaliya

Kaama xiisa go ayoo
Goortii aan ku halacsaday
Godlay caashaqeennuyee…..

Exit mobile version