dayax ifa hadaan ahay nalka daaray baad tahay
dusha ubax hadaan ahay ka ku doogsadaad tahay
dugsi dhaba hadaan ahay adna dayrkiibaad tahay
hadaan duunyo kuu ahay adna dunidiibaad tahay
daymadii hadaan ahay adna dareenkiibaad tahay

geesiga i daryeeloow laba dookh wadaagtoo
isku diran inaan nahay sow diwaanka may galin

doog baxa hadaan ahay daruurta u da a daad tahay
qof daacada hadaan ahay kartida i dirtaad tahay
digtoor i dhaya hadaan ahay dawadaydiibaad tahay
hadaan darajo kuu ahay adna dadaalkiibaad tahay
qaran dala hadaan ahay qamar dawladbaad tahay

Exit mobile version