dawiyo ruuxaad
dabiib utahoo
dunida kuu jecel
dadkoo idiloo

agtaada kudaga
ku daal baxa oo
dareen farxadiyo
daryeel ka heloo
waxaan ahay diif
dartaa u qabee

kashaan kuu dihin
usoo dabacooo
adoon uga darin
mar uun udamqa oo
ha doogsateee
daaacad u ahooow

danqaabo jacayl
dartaa mid qabtoo
dookhiyo kalgacaylku
daashadayoooo

daymada araggaa
ku diirsatoo
da’daaada adiga
u wada diidooo
ku doontooooo
ku daydaydaan ahayee

kashaan kuu dihin
usoo dabacooo
adoon uga darin
mar uun udamqa oo
ha doogsateee
daaacad u ahooow

Exit mobile version