Jacaylku anuu igu nugleeyay
Markuu nabarka igu beeray
markuu niyadayda igu hoobshay
Markoo nabdigayga qoomay

Markuuu naxdin igu abuuray
Markuu nacabkayga iraacshay
markuu naawaliyay qof diidan

Nafyahay caashaqa la daalay
nuurkayga ?
Nasriga eeba iyo nasiibka
Naqaaga sugoo haquusan
Sadkaaga sugoo haquusan

Jacaylku anuuu igu nitaaqay
Markuu nidarkii iga baajiyay
Markuu nacfigayga la haray
Markuu nolashayda yeeshay

Markuu nuta iga haleenay
Markuu dhiigayga nuugay
Markuu naadiyay qof jiitay

Nafyahay caashaqa la daalay
nuurkayga ?
Nasriga eeba iyo nasiibka
Naqaaga sugoo haquusan
Sadkaaga sugoo haquusan

Exit mobile version