Dugsi loo hilloobiyo
Har dacaar kabood maleh
Duunyo heega mooddiyo
Hodsiisna jiif maleh
Hami beena mooyee
Heegmahana shareer maleh

Heel ugbaadleh moodee
Mooyee han kale maleh
Waa haan tiifleysa oo
La iskuma halleeyn karo

Hadduu hadal macaanaa
U hayal samaa shalay
Markaan qudhii wadaagnay
Hebelkale noqsoo baas

Been dumar kusoo hooy
Hadhoowtana run kula dhaqan
Ragga waa u hal heeysoo
Waa waxaa haween baday
Ineey Halaq nin moodaan
Lama hooyde heystaan

Cishqiii i helay
Qof muu helin
Mar uun beey hagaagiye
Kolba hoga tusaaliyo
Hafar soow kumaan qabin

Hadduu hadal macaanaa
U hayal samaa shalay
Markaan qudhii wadaagnay
Hebelkale noqsoo baas….

Exit mobile version