Ma saxbaaa jacaylkani
Nafta sabasabbeeyee
Marka dhulka saaciyo
Jiilaal saxarka duulaa
Aan kalaba soocneeyn

Mise waa socdaal dheer
Sahan loogu maqan yahay
Saadaashu waa dhabe
Wixii aad sugaysaan
Dhakhsa saani imaan

Sahal uma nagaadoo
Awgaa ku sugmee
Mawaxaad qarsoon siroo
Siduu xaalku kugu yahay

Mawaxaad u samirtaa
Marka ay sareediyo
Naftu samir arkaysee
Intuu arrin silloonyahay
Qosal laguma seexdee
Ani kumaba seexdee

Kuma bogin sidaydaba
Sifaheenna kala yaal
Caashaqa saboolkee
Aynaan kuwada sidin
Qalbiyaal wada siman

Sahal uma nagaadoo
Awgaa ku sugmee
Mawaxaad qarsoon siroo
Siduu xaalku kugu yahay.

Exit mobile version