Wadnihii nuglaadee
Walaloow jacayliyo
Wacdaraha qabee
Wehelkiisu maqanyahee
Wacdi loo dhigiyoo
Waano kaama qaatoo
Waan waan ma yeeleee

Wanaag aan kukulanniyo
Waasan baa baryaayee
Wayne ha igu kaa simo

Waqtigii iyo
Welbahaar jacayliyo
Waayihiisu yeeshee
Warwarkiisu badan yahay

Wali loo diriyo
Waardi kaama joojoo
Waanwaan mayeelee

Wanaag aan kukulanniyo
Waasan baa baryaayee
Wayne ha igu kaa simo….

Exit mobile version