Wadnayaal is tabaayiyo
Jacayl tabaqaaday iyoo
Wanaag aan tusmaystiyo
Taladoo mida baan ogaa

Qalbiyo istaageersadiyo
Lammaane isku tiirsadoo
Xusuus taxan yeelatiyo
Taariikh mudan baan ogaa

Aayahan taagmee ogeeyn
Taalliyo ubax laga lulay
Tasoow waa adigan gashee
Wixii aan ku taami jiray
Matiix qaday buu ahaaa

Geyaaan istilmaansadiyoo
Tacabka loo hagar baxiyo
Galkacalkoo tanaaday iyoo
Xiriir taxan baan ogaa

Kalsooni tusaysan iyoo
Guushoo aynu taagno iyoo
Axdigoo tamar weeyn lihiyoo
Tixraac cishqibaan ogaa
Aayahaan taagnee ogeeyn
Taalliyo ubax laga lulay
Tasoow waa adigan gashee
Wixii aan ku taami jiray
Ma tiix qaday buu ahaa

Exit mobile version