wagareey wagareey jacaylkii
heedhe waayahiisii
wax la sheegay waaahore
cilmi kii wajaafee
wacdaraha la soo maray

kani waa ka waaweyn
walibana ka waasacan
iyo quba wixii hore

ana kaa wadaagtiyo
dhamaan waayo aragnimo
ehelkiyo wax garadkiyo
dhakhtaradu waraysteen
wax furdaamin waayuhu
kama qorin wargeesyada

wadhafiyo shimbirihii
kalahaa wax iskama oga
yeedhaa wajahayoo
anigoon gu weynayn
waayo arag la aantay

wacad qaabe inuu yahay
sawka wabaxa iga dhigay
wareer galiyay ruuxdii
wiirartoobay awgii

Exit mobile version