Qosol la’iska keen keeno
Qab la’isku oranaayo
Qiiro been ah oon joogin
Walaalnimo qabiileesan
Iyo qaxar ku siideesi
Ruuxna qiima kuma yeesho
Inkastoow qalooc badantahay
Dunidadana qabyo leedahay
Qofkasaaba calafkiisa
Qof kale ma qaadaayo
Qalbi dhaba jacayl toosan
Qunyar socod wanaag qeer leh
Iyo qool samaanteena
Qaxar ruuxa guuleesata
Ee qeeb janada dagaya
ILAAHAYNA qadineenin
Qiimahiisa ruux dhowray
Ragg go’aan ka qaadanaaya
Qorshihiisa gaarka ah
Qudha ruuxa ugooynayaa
Guriga uu ku qaan gaaray
Ruux qaraf la hoos taagan
Ilayn qaayo kuma yeesho
Qorshihii ma soconaayo
Ifka kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo
Ifka ifka
kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo
Wallee qaayo kuma yeesho
Qorshihii ma soconaayo
Ifka kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo
Qalbi dhaba jacayl toosan
Qunyar socod wanaag qeer leh
Iyo qool samaanteena
Qaxar ruuxa guuleesata
Ee qeeb janada dagaya
ILAAHAYNA qadineenin
