jacaylkan igu lig ligan laxawga haba igu hayee
waxaan la sii yaabanahayee
igu liishaanka iyo laleema la aanta shiishkiyo
leebtiyo doogtaa la helayee
cakuye laabtayda baas midaan lurba iigu hayn
anaa luquntayda sudhayee lugooyada doontay
anaa looyaan u tagayee

lamaane is diidan iyo jacaylkan layliga inaan
ku mitido libtiyo kalaabo mideen idhaa
dhanaba kuma layd saniye go aan diidayee

anaa lalab kacay xiliga anaa dhalanteed ku lumay
anaa lilaah looga tuntayee
anuu i ilaasimay jacayl meel aan uga laabtiyo lahayn
jid iga leexsha aan u daw galay
cakuye iliqloo yaxaas anaa libta siiyayee anaa isku loodayee

Exit mobile version