jacaylkan igu ligligan
laxawga haba igu haye
waxaban la sii yaabanee

siduu liishaanka iyo
dareemo la'aanta shiishkiyo
leebtiyo toogta iila helay

cakuye laabtayda baas
midaan lurba iigu hayn
cakuye anaa luquntayda sudhay
cakuye lugooyada doontay iyo
anaa looyaan u tagay

lamaane is diidan iyo
jacaylkan layliga ah
inaan ku mitido libtiyo
ka laabo mideen idhaa
dhanaba kuma laynsaniyo
go'aan liidayee cakuye

anaa laab kacay xiliga
ana dhalanteed ku lumay
anaa liilawda tuntay

anuu i laasimay jacayl
meel aan ugu laabtiyo
lahayn jid iga leexsha
aan u daw gallay

cakuye i liqyoo yixaasana
libta siiyayee
cakuye anaa isu loodaye
cakuye lugooyada doontayo
anaa looyaan u tagaye cakuye

Exit mobile version