inaan daayo baan rabay
misna waaban diiirsaday
inaan doorsdaan ban rabay
mise waaban dooqsaday
inaan diido baan rabay
inay diido buu rabay haatan
inaan daahiyaan rabay
mudo aanan daaiman
inaan daajiyaan rabay
dadku ay ogaadaan
inaan doojiyaan rabay
inay doojisuu rabay
haatan waaban doonayaa
dareenkii jacaylkaa
dihnigayga galayoo
dookhii aan rabaybaa
dabcigeedii leeyahaye
ishqigaa i dirayee
i dulaystay waayadan
dabiibkuii naftaydiyo
digtooradii u diidaye
dawadaydu waa adi
doqoniimadu waa maxay

mudo badan ima daashan
daay caashaq ima galin
dulinimo aan ka baxee daa
daa daa waxa tahay ambadaase daa
diifta caashaq iga bi,i
daryeelkaaga igu badi daa
farxadaada aan dardaree
daa daa isku beena daa

adigaa is dilayee
hadalkiina diidayee
doodii dhexdeeniyo
goormaan dawgii garab maray
cishqiguna doraadiyo
ayaamahan i daayoo
dadab aan wadaagniyo
aqalkii dugsooonaa
dabcigayga galisee
dareenkayga weeyaan
daa inantaa daa
daryeelkana u fidi
dhawr inanta dhawr
daleelada ka dhawr

daa daa dibnahaaga daa
dacdarada ku reebtay
aan bal dhawree daa
dareenkaa kugu jira
dihnigaaga lagu beeray
anba dishee daa
dawga garan daasi
oo ku doortay la ma diidee daa
daruuraha aan ku geeyee daa
dir diraha kala dila laba daacad daa
dahab iyo kaaga fiicni duunyadaba
aan bal duulne daa daa
duudka saaran xabadkaaga
aan bal daaree daa
ha iga ssaarin dabcigaaga daa
aan bal daalnee daa
xiska saaran dabnahaaga
gacmo gacmo dixda hoose
kama dabaashadaa
kala dooro iga dooro daa
daa daa isku kee ban daa

inaan daayo baan rabay
misna waaban diiirsaday
inaan doorsdaan ban rabay
mise waaban dooqsaday
inaan diido baan rabay
inay diido buu rabay haatan
inaan daahiyaan rabay
mudo aanan daaiman
inaan daajiyaan rabay
dadku ay ogaadaan
inaan doojiyaan rabay
inay doojisuu rabay
haatan waaban doonayaa

Exit mobile version