dhibaatada wa la iska dhaafaa
dadkaaga loo dhintaa
dhulkaa lla fiirsadaa
dhexda waa loo xidhaa

dhalinyaroow
dhabta hadalkiyo
dhawr ujeedada
dhaxal awoowaha
dhulkii weeyaan
dhirif cadaawha
aan dhawaanee
dadka dhaafnee
dhisme qaran dumay
aan dhabaynee
dhulka qaadnee
dayac iyo dhaxan
dhaabadaynee
aan dufaysnee
gacanta ii dhiib
dhuxana isii
dhiiladaa raac
dhawaqeenana
yuu ku dhaafine
wadnaha kuu dhoob
dhabtaadana saar
dhibaatada wa la iska dhaafaa
dadkaaga loo dhintaa
dhulkaa lla fiirsadaa
dhexda waa loo xidhaa

dhawaanayoo
qaranimaan dhawrayaa
nabad baan dhiraan dhirin
dhabadeed qaadayaa
dhaxantaa i haysa oo
dhamacdeed gaartayoo
dhayal taa ha moodine
dhabtii waa iyadee
dhalintaa heshiisayoo
colaadihii dhamaystiray
dhaawacii bogseeyayoo
dhakhtaraaya boogaha
dhibaatada wa la iska dhaafaa
dadkaaga loo dhintaa
dhulkaa lla fiirsadaa
dhexda waa loo xidhaa

dhagaha furo
dhakhso maqashide
hadal dheefoo
waalid soo diray
dhimbiilaha shiday
durba kaa dhima
dhafkaanad rabin
dhakhso kaa dhiga
dhalinta ha dilin
nabadana dhawr
wanaag dheeftide
dhexda soo xiro
ciyaar dheeshide
dhaliilaha daa
iyo dhawrtada
waxba kuu dhibin
dhaqalka ii dhiib
dhabalkaa dhaaf
dhumucda ha jarin
dhaxan dayside
dhibaatada wa la iska dhaafaa
dadkaaga loo dhintaa
dhulkaa lla fiirsadaa
dhexda waa loo xidhaa

Exit mobile version