VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hudo - Lyrics

hudooy haybad badaneey halbawlahaad ku taalaa kuma huri karee hanaan baad u dhalatoo kaama hadhi karee hoygii xalaashoon ka helaa tahee ila hay halaha dhamaantood adaan kaa higsanayaa adaan kugu haminayaa hadh iyo habeenkii hudooy xuural cayntii hablahaay hudooy hoygaa aad ku dhalataa marnaa aan hilmaami karin boorama iyo harar iyo hareeraha jabuutaay huda ay ku dhalatooo ala hooda badanaa habla siii damar aroskiina wuu hagaagee socodka hagaagsan hanaankeeda hadalka hagaagsan haybadeeda hudo ay ku dhaaftay hablaha dhamaan hudooy hudoooy halkaad ila tahay la isku halayn karo war la huboo weeyi hudooy hudooy haybad badaneey amaantaad a hoo hudooy hudoy hablahaba dhamaantood adaan kaa hiigsanayaa adaan kugu haminayaa hadh iyo habeenkii huda hoodooy hudo waxaa tahay hablaha dhamaan horyaalkoodaa waana la hubaa inaad tahay hormuud hooda badanaa dalmarkii helay mar haduu hantay haldhaadii dumar wuu helay nolol habsamida socodkana yaad ku haysataan llama hayo taa hawsha gurigoo loo hagar baxo yaad ku haysataa lama hayo taa hashar iyo qurux iyo hoodanimo yaa ku haystaaa lama hayoo taa heeladeediyo heesaha macaan iyo habka furan gabadh lagu habo yaad ku haysataa lama hayo taa kuma huri karo kaama hadhi karo hadh iyo habeen waan kula hayaa hablahaba dhamaantood adaan kaa higsanayaa adaan kugu haminayaa hadh iyo habeenkii
Queue is empty
-- / --