armuu idilaa cishqigu
armuu diihaal jacayl
naftayda dukaashada anigu

haduu cilmi doogta dhigay
armuu ana igu daraa
qabriga ii daadahshaayo
diwaanka armaan galaa

dawooy anigoo ku jecel
jidhkayguna kuu damqado
armaad iga doorsataayoo
cishqiga igu dayrisaayoo
dalxiistaa meelo kale adigu

danteena adaa hayee
taladaa kuu daynayaa aniguu
adoo ii diir naxaaya
qalbigaad raxmad iiga tahay

armuu doog igu noqdaa
nimaan door iga mudnayn
armay dantu caawisaa isaga

haduu caashaqu i dilo
armaad adna daaanadaa
docdaada ka yeelataayoo
dariiqii hodan martaa adigu

Exit mobile version