Bogayga hadii la jeexo
Uurkeyga hadii la Baadho
Beerkayga Hadii la safo
Wadnahayga baratankii la fiirsho
Adigaa adigaa adgiaa
Adaa baxasano Dhaxjiifa

Naftaydan adaa ku beermay
Ilaa Badda laigu aaso
Inaad baxdo lagama yaabo

Bareer cad baan usheegay
Bulshada ha ogaato saakay
Baxanaano Baxnaano
Banaano hadaanad isaygin
Hadaanan barbarkayga istaagin
Qudhaydu Qudhaydu
Qudhaydu inay baxeeso
Baxeeso baa ba’eeso

Halkaad Bariga jecleestay
Beedkaada inaan imaado
Inaan boqol jeer ku eekto
Inaan samo kugu bariisado
Anigoo anigoon agoon
Anoo kaa bogan karin

Markaad ila warameeeso
Sidii janno la’igu baaqaa
Ubagayaa sheekadaadu

Bareer cad baan usheegay
Bulshada ha ogaato saakay
Baxanaano Baxnaano
Banaano hadaanad isaygin
Hadaanan barbarkayga istaagin
Qudhaydu Qudhaydu
Qudhaydu inay baxeeso
Baxeeso baa ba’eeso

Exit mobile version