habeenkaad qudhayda
macaane hor joogto
hilawga dareenkiyo
huqdaa ka idlaata

kolkaad ka habsaanto
ee aanad ku hayn
kolba kuu timaada
heedani ku tabaysa

waxa i hantaaqa
wixii ku halgaada
anaa u haraada
waxaad u hamuunto
dadkaa ka hinaasa
habkaan u dhaqmayno

halyeeyow kashaydiyo
hantiday xiskaygee
waxaad hoy ku leeday
halkaa beerkayga

sidii hadhac geed
naftaa hadhsanaysa
hawada jacaylka
ee aad ku habayso

Exit mobile version