dareenka walaalnimo iyo
dubaaqiyo jiidhkana
ogow ii kaa dabree

intaan dadba kaa xigsaday
kolkaan deeqsi kuula baxay
miyaad doqontii i tidhi

damiirku wuxuu dhibsaday
naftuna daawo moodayo
maxaan soo maray duruus
dadkuna ila yaabanaa

dulqaad badan waalidkay
dariskiyo xigtada
dabiibkayga raadiyeen

maxay dar ALLEE indhuhu
ilmada kuu daadiyeen
bildhaantaada daydayeen

Exit mobile version