Qofkii kuu daneeya
Markaad dhib dareento
Sidii doog ku yaal
Daryeelkuugu baanta

Markuu kugu daalo
Dushiisa ku saarto
Intuu kuu danseego
Inuu ku daahdaahshoo

Markaad doc uga baydho
Markaad doog ku taal
Intaad dawayn lahayd
Damaqdeed hulaalsho
Sow nafsi danbeeya
Docdaada maad dhigan

Qofkii ku daweeya
Markaad lur daciifto
Sidii doox u dheefa
Dadaal kugu kaaba

Haduu kugu daaho
Samaan kuugu dayro
Adoo dafiraaya
Inaad dhib ku daarto

Exit mobile version