inantaaan jeclaayey
inagoo laba jeclaayeey
ayaan ma rabtaa aroos
cawadiyo ayaankay inagoo lamaan
ayaankay ayaan ma galnaa aroos
indhihii ku eegee
kalgacayl la ooyoo
kuu ilmeeya adiga
aniguba sidoo kale
udunaanka dhagaha
u dhagaysta adigee
ina keen dhamaatee
ina mari is raacnee
ehelkiiii aadnee
waa aqal galkeenee
ina mari is raacnee
aan ku geeyo reerkee
habka tumista dhaqanka le
hanbalyiyo salaambaan
hido idhi akaadami
hawraarsan weeyee
hirwadiyo ciyaaraha
waa hido akaadami
halo quruxsanaayee
erayda ka soo baxa
afku hadal macaana
alaylahee aftahanada
geesi aragti dheeriyo
deeqsi iin ka dheerow
afgobaadsi maahee
akhlaaqbaad u dhalatoo
aynigaa ku dhaaftee
amaan been maahoo
asaraar ma galinine
anba qiray waxaad tahay