wadnaha lulmanaaya
laxawga kalgacal
ku ladhan toban jeer
lubiguna kuu nugul

adiguna lahashda
ladhkani igu furan
lahwi kuma qabtide
waad ka ladantay

waheey sidaan kuugu liitiyo
waheey sidaan kuugu liicay
layaabay dhashoo
dhibtaan laasimay laylkii
hurdada kama lado xiisaha

qalbiga lala eegtay
leebkii cishqigu
liishaan iyo gantaal
laxaadkii muu la helin

ladanaw laba jeer
adigoo i lagdaan
laabta kugu hayaa
adiguna iga lexataa

Exit mobile version