Dhoof Jaceyl u daranaa
Allahayow u daranaa
Dhoof jaceyl u daranaa

Maygu anigu maygu dhagay
Mayla dhacay warmaha
Siduu ii dhugsaday ima dhigin
Dhulshisheeye ila aad

Dhanna iima dhaafinee
Dhuuxiyo lafta dhabartuna
Wadnahuu dhexyaalaa

Waxaan dhowrayaa
Dhagtuna ay sugeysaa
Taleefoonka soo dhacaa
Dhaayaheygu u dhiirane
Dhankaadee

Dhadhamiyay galkacal
Markii aan dhadhamiyay
Kalgacal , Dhunkashada
Dhunkasha macaan
Dhoola ka qosolkaa
Dhugmadiisa wacan
Kama dhergee
Wali waan dhursugayaa

Dhaxantuu igu sugaayiyo
Dheelkii baan xasuustaa
Ilma dhabac ma iga tiri

Waxaan dhowrayaa
Dhagtuna ay sugeysaa
Taleefoonka soo dhacaa
Dhaayaheygu u dhiirane
Dhankaadee

Exit mobile version