VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Halyeeygii u kacay - Lyrics

Haan baa gonda laga tolaa Hoos baa talo loo dayaa Hagaag baa lagu dhaqmaa Markay leedahay hormood Han dooranina u koco Aduunkaa hore u maray Hal buu ina dheeryahoo Halyaygooday dhisaanoo Han bay isku raacayaan Halkay ka bidaan tabaha Haduu nin la hiigsado Aqoontu waxbay hagtaayoo Cilmiga waa lagu hodmaa Hubaal soomaaliyeey Mudaa loo hiil qabay Haduu yimid kii la rabay Hubaal soomaaliyeey Haadkii cuni maayo oo Hanbada waa la qabanayaa Hoy baa dhaqan laga dhigtaa Hidaa la ilaalshadaa Dalkii hooyaad lahayd Samaan baa loo huraa Hanbaa logu hiiliyaa Aduunyadu wali ma helin Hantida aan leenahoo Hadii aan is dhawran layn Habeen dibad kuma dhaxneen Diinteena horay u tidhi Halkay taalo ugu tagoo Aqoonta waxbay hagtaayoo Cilmiga waa lagu hodmaa Hubaal Soomaaliyeey Mudaa loo hiil qabay Hubaal Soomaaliyeey haduu yimid kii la rabay Hubaal Soomaaliyeey haadkii cuni maayo oo Hanbada waa la qabanayaa
Queue is empty
-- / --