VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Halyeeygii u kacay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Xaawo kiin
Halyeeygii u kacay

Haan baa gonda laga tolaa
Hoos baa talo loo dayaa
Hagaag baa lagu dhaqmaa
Markay leedahay hormood
Han dooranina u koco
Aduunkaa hore u maray
Hal buu ina dheeryahoo
Halyaygooday dhisaanoo
Han bay isku raacayaan
Halkay ka bidaan tabaha
Haduu nin la hiigsado
Aqoontu waxbay hagtaayoo
Cilmiga waa lagu hodmaa
Hubaal soomaaliyeey
Mudaa loo hiil qabay
Haduu yimid kii la rabay
Hubaal soomaaliyeey
Haadkii cuni maayo oo
Hanbada waa la qabanayaa
Hoy baa dhaqan laga dhigtaa
Hidaa la ilaalshadaa
Dalkii hooyaad lahayd
Samaan baa loo huraa
Hanbaa logu hiiliyaa
Aduunyadu wali ma helin
Hantida aan leenahoo
Hadii aan is dhawran layn
Habeen dibad kuma dhaxneen
Diinteena horay u tidhi
Halkay taalo ugu tagoo
Aqoonta waxbay hagtaayoo
Cilmiga waa lagu hodmaa
Hubaal Soomaaliyeey
Mudaa loo hiil qabay
Hubaal Soomaaliyeey haduu yimid kii la rabay
Hubaal Soomaaliyeey haadkii cuni maayo oo
Hanbada waa la qabanayaa

codkii Xaawo kiin