Labadii heshiisee
Horumarkana gaadhee
Hoygay dhisayaan
Rabigay u hagaaji
Isku heelan aamiin
Aamiin aamiin
Isku heelan aamiin
2x
Wiilku waa halyay
Gabadhu waa hibaaq
Aroos haybad wacan
Hambalyiyo salaan
Hibo idin dulsaaree
2x
Noqda Idim alee noqdaa
Hoodiyo barwaaqiyo
Hoygii lagu soo hirtee
Nin lagu higaadshee
Loo wada hanweynyahay
2x
Labadii is hantee
Heshiis guur wadaagee
Hoodaaley nolol wacan
Rabbigeen u ajiibayee
Isu hiisha aamiin
Aamiin aamiin
Isu hiisha aamiin
2x
Wiilku waa halyay
Gabadhu waa hibaaq
Aroos haybad wacan
Hambalyiyo salaan
Hibo idin dulsaaree
2x
Noqda Idim alee noqdaa
Hoodiyo barwaaqiyo
Hoygii lagu soo hirtee
Nin lagu higaadshee
Loo wada hanweynyahay
2x

Exit mobile version