jacayl asal oo la inkiri karin
ayaa i heloo la ilmeeyaa

amuur uguboo aan filaayiyo
waxaa i muuqda aayatiin wacan

inuu ku arkuu amarkiisu yahay
kama ahaan karee kaalayoo imow

aynigeeda ugub ilwaad quruxeey
anoo ku hantaan istareexi laa

sidii olol la shiday oogta waabari
ayaad u eegtoo kugu il doogsadaa

sidii ufo rooboo cirkoo onkaday
udgoonkiisii baad adigu leedahay

anfaciyo maal waxa iiga wacan
anoo ku heloo ubad kuu dhalee

irmaan geeloo arlo nabadiyo
ku nool aaranbaan adiga kaa bixin

oorkii ragow ku aaminayee
ii ahaw sidaan anba kuu ahee

ifafaalo guur iftiinle iyo
anshax iyo sharaf ishu arkaysaa

Exit mobile version