caashaq igu laba qarxay
dartaa sow imuu qaban
qumaati uma ladoo
aduunbaan kugu qarwaa

jacaylkaad qastaad qoonsadayoo
diiday quudkoo
ma qaabilo ruuxii
aan qabarkaaga ii sidin

wixii qabsaday dartaa
qoraal kuma qeexi karo
meelaan qofna gaadhayn
adaa qasnadihii dhigtoo
qufulay furuhii la tagay

kuumaan qaadin kalgacal
nafta kugumaan qasbeen
amaan kugumaan qubeen
wadnaha maad qaadateen

laabtana kumaan qoreen
inaad igu qaali tahayoo
hadana ii qalantobaan
qalbiga wehel kaaga dhigay

Exit mobile version