sooyaal jacayloo luquntayda
suranbaa saamalaylee
awgaa ugu sifowdaa saablayda
ii yaal siday noqonba mooye

naftu samirba diidoo
sigashay ku sugantahay
adiguna sidaadi
socodbaad ku maqantahay

saqda dhexe habeenkii adigaan
ku sugaayoon kuu samraayee
markii aad sii maqnaataan
sawirkaaga eegaa salaala ma seexdee

Exit mobile version