Jacaylkaan igu ligligan
Laxawga haba igu hayee
Waxaan lasii yaabanahay

Siduu liishaanka iyo
Laleema la’aanta shiishkiyo
Leebtiyo toogga iila helay

Cakuyee laabtayda baas
Midaan lurka ii hodayeen cakuye
Anaa luquntayda suray cakuye
Luggooyadan doontay iyo
Anaa looyaan utagayee cakuyee

Lammaane isdiidan iyo
Jacaylkan layligaa
Inaan ku mitido libtiyo
Tallaabo ku libdhee iraa
Dhannaba kuma laylsaniye
Go’aan li’idee cakuyee

anaa laab kacay hiyiga
Anaa dhalanteed ku lumayee
Anaa liilaalawda tuntayee

Anuu ilaasimay jacayl
Meelaan uga laabta iyo
Lahayn cid iga leexshay
Waa leebadda ugalayee

Cakuyee i liqyoo yaxaas
Anaa libta siiyayee cakuye
Anaa isu loodayee cakuye
Luggooyqdan doontay iyo anaa looyaan u tagayee

Lammaane isdiidan iyo
Jacaylkan layligaa
Inaan ku mitido libtiyo
Tallaabo ku libdhee iraa
Dhannaba kuma laylsaniye
Go’aan li’idee cakuyee
Xamuudka Love Zamiinnaa

Exit mobile version