Uurkiyo qalbiga
Haddii aadan ku ool
Ubaxiyo jacayl
Kuulamaansideen

Eelkaad wadnaha
ku abuurtaybaa
Abid iga bogsoon
Naftu ku aamintaa
Sida eeri dhaban
Deyn weeyday olol

Aragiisa kaan
Ku ildoogsadoow
Ammaaniyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aaayatiin kuwaar

Uurtii indhaha
Haddii aadan aheeyn
Ilma socota iyoo
Oohin kuma go’een

Argagaxisadiyo
Aramida jacayl
Waa aawadaa
Anbadayee waxaan
Ayda umaree
Maxaad oran lahayd

Aragiisa kaan
Ku ildoogsadoow
Ammaaniyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aaayatiin kuwaar…..

Exit mobile version