Caashaqu jirabanaa
Jidgooyin qodaxliyo
Jikaarkiisu badanaa

Qofka uu la jaar yahay
Hurdo jiifsan maayo
Jiridaha wadnaha iyo
Qalbiguu ka jiidhaa

Dadka qaar ayaa jira
Jilbis kaaga daranoo
Kuu jiidh naxaynee

Ruuxaad jaal ka dhigato
Asna kaa janjeeroo
Kuu jaakiraa badan badan

Jacayl waa cadaawoo
Jirjiroole baasiyo
Jaajuus ma waayee

Dadka ruux jalbeebtiyo
Isla jooga necebiyo
Aan kuu jireeniyo
Jini lagama waayee

Ii joogso wiilyow
Anba kaama jeestee
Hadaad ani i jamatee

Exit mobile version