Nafyahay kaaftoonka baro
Kurbiyo ka xorow xasuus
Kashaada ka saar hilow

Inaad tahay ruux karti le
Kufkaa ha xaqiiqsadee
Ku dhiiro inaanad noqon
Kufaha aan abidba kicin

Karaamo ALLUU helaa
Qofkii samir kaashadee
Ku kaydi samo qalbiga oo
Ka maaran qofaan ku tabin

Nafyahay kiiskiisa laab
Kalgacalkii shalay ku baray
Kas kaaga tagoo ku jaray

Intaad kali caban lahayd
Ka dooro gayaanka ruux
Kalsoonida kuu dhisoo
Ka maydho wixii ku helay

Exit mobile version