ruuxaad jeclaatoo
misna ku raaligaliyaa
raasmaalka caashaqa
ay tahay rugtiisuye
raga kaan ku hanan karaynin
haduu dokba ku raro
raaxo lagama gaadhoo
waa lagu rafaadaa
yaase rabaa
ruwaayadan
saaxiib aad ku raran tahay
raynkii jacaylkiyo
sawnigii rarkaba dhigay
ee ka raystay hawshii
badaw raali galintii

marna lagama raystee
raafdilaaca caashaqa
si kastood u roortoo
raali gali wax badan
u ruxayso laabtana
ma rumaysto badawguye
miyaad igu riyootiyo
meel kaluu u rooraa
yaase rabaa ruwaayadan
saaxiib aad ku raran tahay
reenkii jacaylkiyo
sawnigii rarkaba dhigay
ee ka raystay hawshii
badaw raaligalintii

runta lagama boodee
riyo naag ku guursaad
raganimadii moodoo
adigaa ragaadshoo
faraskaagii reebee
wali waad ruxmaysaa
kaa raystay aniguye
haygu rogaal celin
yaase raba ruwaayadan
saaxiiib aad ku raran tahay
reenkii jacaylkiyo
sawnigi rarkaba dhigay
ee ka raystay hawshii
badaw raaligalintee

Exit mobile version