Inkastoo dareenkiyo
Dubaaqayga kaa baqay
Inkastoo is iri diid
Inaan dadab wadaagnaaa

Qalbi daadka caashaqa
Dacalada ka soo galay
Qofkan daacada ku jecel
ee kuu jecel
Dadka adiga kaa raba
Ayaan waayo dabariyo
Darbi lagu celshoo adaa

Kee naftaydu doontoo
Sidii buu dareenkiyo
Damqashada igu badantahayee

Sidii buu dubaaqiyo
Jirku ii dubaaxshaa
Sidii buu dareenkiyo
Nafta kuugu daashayoo
Kugu daashayoo
Adiga kuu daneesaa Xabiibi

Inkastooo ka duuliyo
Marar iri kadiga rogo
Inkastoo is iri durug durug
Ama deeri caashaqa

Qalbi kuu daloolshamay
oo adiga kuu dadanee
Qalbi aduunka kaa jecel
Oo dabiibkiyo dawadiisa
Kaa sugaayo
Ayaan waayo dabariyo
Darbi lagu celshoo adaa

Kee naftaydu doontoo
Sidii buu dareenkiyo
Damqashada igu badantahayee

Sidii buu dubaaqiyo
Jirku ii dubaaxshaa
Sidii buu dareenkiyo
Nafta kuugu daashayoo
Kugu daashayoo
Adiga kuu daneesaa Xabiibi

Exit mobile version