jacyloow maxaad dhib keentay
maxaad dadka kala dhantaashay
maxaad niyad dhawrsanayd iyo
qalbiyo badan dhaawac yeeshay
qofkaad ku dhacdaa ogseene
adoo dhagar qabe ku caana
intaad cilmi ii dhexgaysay
sabab u ah dhimashadiisa
markay hodan kala dhaqaqen
maxaad caashaqoow ka dheeftay
hadaad igu dhiiri galisaye
inaan kuu dhago nuglaadoo
wiilkaad iisoo dhawaysay
sirtayda markaan u dhiibay
haduu cidllo kaga dhaqaaqay
maxaad ii dhaarinaysay
jacayloow ii dhaarinaysay

maxaad dhalanteed abuurtay
maxaa kuu ooyay dhaayo
maxaa dhab dhab ruux ku mooday
nolosha ka dhacoo la waayay
qofaad dhiigiisa raacday
adaa dhuuuniga ka gooyoo
ragii waad sooo dhamaysoo
haweenkii dhaafi waydooo
markay murti kugu dhaliileen
maxaad caashaqooow ka dheeftay
hadaad igu dhiiri galisaye
inaan kuu dhago nuglaadoo
wiilkaad iisoo dhawaysay
sirtayda markaan u dhiibay
haduu cidllo kaga dhaqaaqay
maxaad ii dhaarinaysay
jacayloow ii dhaarinaysay

Exit mobile version